Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/llaahi, oo wareysi siiyay Kalfadhi ayaa sheegay in aan wali la xalin Khilaafka u dhaxeeya labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya waxa uuna sheegay in aysan jirin ilaa hada cid isku day’day xalinta khilaafka Baarlamaanka Soomaaliya.
Cabdi Xaashi ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya ilaa hada uusan soo dhax galin arimaha ka dhax taagan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare islamarkaana uusan ka soo jawaabin warqad loo diray Madaxweynaha Soomaaliya taas oo ka timid Guddoonka Aqalka Sare.
“Ilaa hadda ma jirto cid soo dhax-gashay, Madaxweynaha kama soo jawaabin warqadii aan u dirnay, aniga iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabkana iskuma fahmin waxa khilaafka dhaliyay”, ayuu yiri Cabdi Xaashi C/llaahi Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo wareysi siiyay Kalfadhi.
Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa sheegay in khilaafka labada Gole uusan wanaagsaneen balse waxa uu meesha ka saaray in khilaafka saameen ku yeesho shaqada Qaranka. “waa wax laga qurxoon yahay khilaaf, balse daruufo jiro ayaa sababay, laakiin ma jirto wax saameen ah oo ay ku yeelanayso howlaha Qaranka”, ayuu yiri Guddoomiyaha Aqalka Sare.
Guddoomiyaha Aqalka Sare mar aan weydiinay cida sababta u ah khilaafka islamaraakan ay wax ka socon la’yihiin ayaa ku jawaabay. “annaga waxaan qabnaa in dhankaas ay wax ka socon la’yihiin, waayo waxaan u geynay cabashadayna oo sababaysan jawaabna waa ka bixin waayeen, ilaa hadana kama heyno xal”.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in uu rajo wali ka qabo in Madaxweynaha Soomaaliya soo galo khilaafka Baarlamaanka Soomaaliya maadaama hore looga codsaday in uu gar-wadayn ka noqdo Khilaafka Baarlamaanka.
“Madaxweynaha rajo ayaa wali ka qabaa in uu wax ka qaban doono arimaha taaga, mar kale ayaa ka dalbanayaa in oday ka noqdo labada Gole mad-madowga dhaxyaalo”, ayuu yiri Cabdi Xaashi C/llaahi oo Wareysi siiyay Kalfadhi.