Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJF Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh Cabdirahman ayaa habeen ka hor hoygiisa ku qaabilay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed Soomaliya Mudane Cabdicasiis Lafta-gareen
Kulankooda ayaa looga hadlay arimo la xiriira Siyaasadda dalka waxaana ugu muhiimsanaa arimaha Doorashooyinka iyo guud ahaan Siyaasadda dalka.
Labada mas’uul oo deegaan doorashadooda ay tahay Koonfur Galbeed, ayaa sidoo kale kulankooda uga hadlay xaalada deegaannada ay kasoo jeedaan, iyo sidii dadkaasi xaqa ay ku leeyihiin federaalka ay kamid mid ahaadaan dhammaan deegaannada kale ee dalka.