Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa xalay Magaalada Mogadishu ku qaabilay Madadweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Koonfur-Galbeed Soomaliya Iyo Hirshabeele Cabdicasiis Lafta-Gareen Iyo Maxamed Cabdi Waare.
Mudane Mursal ayaa sheegay in ay iska wareysteen xaaladaha dalka uu marayo iyo arimaha doorashooyinka ee dalka.
Ilo ku dhow-dhow shirka ayaa sheegay in dhinacyada ay sidoo kale ka wadda-hadleen shirka Muqdishu ka socda iyo sidii loo gaari lahaa xal siyaasadeed dan u ay dalka iyo dadka.
Qodobada kasoo baxa shirka dowladda federaalka iyo madaxda maamul gobolleedyada ayaa la filayaa in dib loogu celiyo Baarlamaanka si ay go’aan uga gaaraan.