Gudoomiyaha golaha wakiillada Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhooba-daareed oo beryahan booqasho ku jooga dalka Jibuuti ayaa maanta la kulmay ra’isal wasaaraha dalkaas mudane Cabdulqaadir Maxamed Kaamil.
War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska gudoomiyaha waxaa lagu sheegay in labada masuul ay ka wada-hadleen xiriirka Puntland iyo DJibuuti.
Gudoomiye Dhooba-daareed wuxuu sheegay in ujeedada safarkiisa uu xoogga ku saaray sidii ay iskaashi dhow u yeelan lahaayeen baarlamanka Jahmuuriyadda Jibuuti iyo kan dowladda Puntland ee Soomaaliya.
Gudoomiye ku xigeenka labaad iyo Xildhibaano ka tirsan golaha wakiillada Puntland ayaa gudoomiyaha ku wehliya safarkiisa Djibuuti. Sidoo kale waxaa qayb ka ah Xildhibaan Sharmarke Garaad Saleebaan oo isna Puntland Baarlamanka federaalka ah ee Soomaaliya.
Baarlamanka Puntland ayaa ku kala maqan fasax bil ah waxayna shaqada dib ugu noqon doonaan 20ka Maarso markaas oo ay ka shaqayn doonaan miisaaniyadda sanadkan ee dowladda.