Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa maanta goobjoog ka noqday dhaarinta wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Dahir Maxamuud Geelle.
Munaasabadda dhaarinta ayaa barqanimadii maanta lagu qabtay xarunta aqalka villa Hargeysa oo ay ku shiraan guddiyada golaha shacabka.
Dhaarinta kadib xildhibanaadii ka qeyb galay munaasabadda ayaa wasiirka ugu hambalyeyay shaqada cusub ee maanta loo dhaariyay.
Wasiir Gelle ayaa beddeli doona wasiirkii hore ee warfaafinta oo hada noqday guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ( Yariisow).
Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa wasiirka cusub kula dardaarmay in uu si hufan u guto shaqadiisa .
Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye oo ah guddoomiyaha guddiga xeer hoosaadka iyo anshaxa ee Golaha Shacabka ayaa Wasiirka cusub dhaariyay.
Wasiirka Cusub ee Warfaafinta Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa balan qaaday in uu si sax ah ugu soo bixi doono xilka loo dhaariyay kana shaqeyn doono sidii wada shaqeyn dhaw uu ula yeelan lahaa guddiyada Golaha Shacabka ee wasaaradiisa wada shaqeynta kala dhaxeyso.