Guddomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxman, oo ay dhinac fadhiyaan ku-xigeenka 1aad iyo 2aad Mudane Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muudey iyo Mudane Mahad Cabdalle Cawad, ayaa maanta shir-guddoominayay kulanka Golaha, kaddib markii dhawaan uu baaqday.
Kulankan oo ah kii 25-aad ee Kalfadhiga 7-aad ee Golaha Shacabka BJFS, ayaa ajandihiisa waxaa uu ahaa akhrinta 2aad ee Sharciga Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha.
Xildhibaanada soo xadiray kulanka oo gaarayay 147 mudune, ayaa doodo badan ka sameeyay ajandaha kulanka, waxaana xildhibaannada qaar ay soo jeediyeen in wax ka baddal lagu sameeyay hindise-sharciyeedka.