Kulanka waxa shir guddoominayay guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.Waxaana goobjoog ah guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad.147 xildhibaan ayaa kulanka soo xaadiray.
Ajendaha kulanka maanta ayaa ah saddex qodob oo kala ahaa aqrinta labaad ee hindise sharciyeedka wax ka badalka sharciga hanti dhowrka guud ee Qaranka. Qeybinta, aqrinta labaad ee hindise sharciyeedka Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka iyo Qeybinta wax ka baddalka xeer hoosaadka Golaha Shacabka
Qaar ka mid ah xildhibaannadii kulanka ka hadlay ayaa yiri:
Xildhibaan Dr Cilmi Maxamuud Nuur “ Xilka qaadista hanti dhowrka muddadiisa oo aan dhammaan waxaa xilka looga qaadi karo waa in ay ahaato eedayn loo soo jeediyay, kadib Guddiga Maaliyada loo soo gudbiyaa, guddiguna ay guddoonka golaha u gudbiyaan. Haddii eedeymahaas yihiin kuwo culus madaxwaynaha ayaa guddi baatitaan u saaraya kaddib guddigaas markay soo ogaadaan qaladka ayay madaxwaynaha u gudbinayaan, madaxwaynuhuna Golaha Shacabka ayuu u soo gudbinayaa sidaas ayaa xilka looga qaadi karaa hanti dhowrka”
Xildhibaan Dr Cilmi “ Hantida qaranka in si qarsoodi ah loo ilaaliyaa maahan waan in si waadix ah oo cad loo ilaaliya lana wada arki karo”
Xildhibaan Axmed Cirro “ waxaan leeyahay oo Golaha u soo jeedinayaa in dalkii sii kala furfurmayo iska daa Soomaalilaand oo gooni istaag ku dhawaaqday kuwii isla joogay ayaa sii kala fogaanaya arrintaas wax la fiirsan karo maahan waa inaan doorkeeda metelaad qaadanaa”
Xikdhibaan Guuleed Caydaruus Cige “ Hanti dhowrka waa in uu wax baaraa isna la baaraa sanad kasta isaga ayay sharaf u tahay.”
Xildhibaan Guuleed Caydaruus Cige “ Waxaan qabaa in la xadido ku xigeenada hanti dhowraha”
Xildhibaan Faarax Cabdi Xasan “ Sharcigaan sida guddigu u hagaajiyeen waa fiican tahay laakiin meelo badan ayaa u baahan dib u siiqayn.”
Dr Cabdi Cali “ Hanti dhowraha cidda kalsoonida kala noqonaysa waa Golaha laakiin maahan i guddigu ka qaadi karo marka waa in qodobkaas meesha laga tiraa oo la saxaa”
Markuu kulanku soo dhammaaday ayaa Mahad Cabdalla Cawad waxa uu amray guddiga maaliyadda in aragtiyadii ay xildhibaannadu soo jeediyeen ay kusoo daraan sharciga.