Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya, ayaa lagu wadaa in 27-ka bisha June ay hor-yimadaan kulanka wada-jir ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, si looga dhagaysto warbixino la xiriira arrimha doorashooyinka Qaranka.
27-ka bishan May ayey aheyd in uu guddigu hor-yimaado Baarlamaanka balse furitaanka Kalfadhiga 7-aad ayaa dib loo dhigay sababo la xiriira cudurka COVID-19.
Guddiga Doorashooyinka, waxaa uu u baahanyahay in uu heysto ka hor inta uusan tagin Baarlamaanka sharciga axsaabta Siyaasadda, balse sharcigaasi wali ma uusan marin akhrintii 1-aad, waxaana uu hor yallaa Baarlaamnka.
Sharciga axsaabta siyaasadda ayaa muhiim u ah guddiga Doorashooyinka madaama laga sugayo in ay soo gudbiyaan doorasho nooceeda uu yahay Qof iyo Cod.
Muxuu qabo Qodobka 2-aad ee Sharciga Xisibyada Siyaasaddu?
Xisbi siyaasadeedka dimoqraadiga ahi waa hay’ad ay ka wada muuqdaan qeybaha kala duwan ee bulshada lehna isla xisaabtan dhab ah, soo bandhigaysa qorsheyaal kala duwan oo siyaasadeed, musharraxiin ka qeyb-galeysa doorashooyinka guud, kana qeybqaadaneysa dhismaha xukuumadda ama mid mucaarad ku ah.
Maxaa laga sugayaa Guddiga Wada-jirka ah?
Guddiga wada-jirka ah ee soo diyaarinta xeerarka dhammaystirka sharciga Doorashooyinka Qaranka, ayaa laga sugayaa ka hor 27-ka bisha June in ay soo gudbiyaan:-
1- Xeerka asteynta kuraasta labada Aqal.
2- Qoondada haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin Baarlamaanka.
3- Halkii la dhigi lahaa kuraasta Gobolada Waqooyi?
4- Metelaada Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha guddiga wada-jirka ah ee soo diyaarinta xeerarka dhammaystirka sharciga Doorashooyinka Qaranka Xil. Ibraahim Isaaq Yaroow, ayaa sheegay in ka hor 27-ka bisha ay soo diyaarin doonaan dhammaan xeerarkii laga sugayay kaddiba ay keeni doonaan Baarlamaanka si ay u ansixiyaan ama ay dib ugu celiyaan.
Baarlamaanka uma yeeri karo Guddiga Doorashooyinka haddii aysan u diyaarsaneen sharciga axsaabta oo la ansixiyay iyo qodobada afarta ah ee kor ku xusan.
Guddiga wada-jirka ah ee soo diyaarinta xeerarka dhammaystirka sharciga Doorashooyinka Qaranka, ayaa ilaa iyo hadda waxaa la dareemayaa in ay ku culusyihiin xal u helida kamid ah afarta qodob.
Marka guddiga uu keeno afarta qodob, Baarlamaanka ayaa mid mid uga doodi doona, waxaana la saadaalinayaa in mid kasta oo kamid ah qodobada in doodiisa ay qaadan doonto labo ilaa saddex maalmood. Tusaale ahaa dooda metelaada Gobola Banaadir iyo asteynta kuraasta labada Aqal ayaa waxaa ka dhalan doonta doodii u xoogganeyd oo dhex-marta xildhibaannada mucaaradka iyo kuwa dowladda taageersan.
Waxaa la saadaalinayaa in mid kasta oo kamid ah xildhibaannada labada Aqal in uu dood adag gelin doono kaddibna uu keeni doonno aragtiyo cusub kuwaas oo muddada dooda dheereyn doonta.
Koontada haweenka ee Baarlamaanka ayaa iyadana la saadaalinayaa in haweenka ay ku kala aragti duwanaan doonaan. Dooda metelaada Gobolka Banaadir iyadana lama ogga halka ay ku dhammaan doonto.
Halkii la dhigi lahaa kuraasta Gobolada Waqooyi ayaa doodeeda iyadana aad u xoogeysan doonto madaama ilaa iyo hadda mudanayaasha Goboladda Waqooyi aysan soo dhammeystirin wax ay isku raacsanyihiin.
Kalfadhiga 7-aad ee Baarlaamka ayaa furmi doona 6-dda bisha June.
Hassan Istiila
Hassanistiila200@gmail.com