Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya, ayaa soo dhoweeyay is casilaadii Wasiir kuxigeenkii Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa C/kariin Khaliif Dhalax.
Wasiirka ayaa qoraal uu xalay bartiisa Facebook soo dhigay ku shaaciyay in uu isaga tagay xilkiisa, kaddib markii uu sheegay in uu ku qanci waayay fara-gellinta dowladda ay ku heyso maamul-gobolleedyada gaar ahaan maamulka Galmudug.
Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, ayaa yiri “Waxaan bogaadinayaa go’aanka geesinnimada leh ee uu ku dhawaaqay Wasiir Xil. Abdikarim Khalif Dhalac ee uu isaga casilay xilkii Wasiir Kxg ee uu ka hayey xukuumadda Federaalka, waa go’aan taariikhda u galaya oo sababihiisa maangalka ah wata”.
Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in Madaxda Villa Somalia aanan la shaqeyn karin qof raba karaamadiisa iyo mas’uuliyada saaran inuu si wanaagsan u guto.
“Faragalinta Galmudug ka socota iyo la kaliyoobidda geedisocodka doorashooyinka Galmudug, waxay kashifi doontaa damaca kooxda Villa Somalia ee dastuurka dalka iyo shuruucda Galmudugba hareer-marsan”, ayuu hadalkiisu sii raaciyay.