Sababta baaqashada Kulankii Golaha Shacabka ee shalay ayuu Xildhibaan Maxamed Mursal Geelle ku tilmaamay macna darro. Waxa uu Kalfadhi u sheegay in ay Guddoonka Golaha caado u tahay baajinta shaqada Golaha, marka ay shaqooyin u gaar ah qabsanayaan. “Waa wax iska caadi ah. Marka uu Guddoonku ku maqan yahay shaqo kale waa ay baaqdaan kulamada Golaha Shacabka” ayuu yiri Xildhibaan Geelle.
Xildhibaan Daahir Ammiin Jeesow ayaa isna u sheegay Kalfadhi inuusan ogeyn sababta baaqashada kulankii shalay, waxa uuna yiri “marka uu kulanka Golaha Shacabka dhacayo waxaa jirta fariin loo diro Xildhibaanada, mana na soo gaarin, waxayna ka dhigan tahay in uu baaqday kulanka Golaha Shacabka”. Waxa uu sheegay ineysanba, caadiyan, ogaan sababta baaqashada kulamada Golaha, iney qiyaasaan maahee.
Kulan uu Guddoomiye Mursal kula lahaa xafiiskiisa Muqdisho Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, David Concer, ayey Xildhibaannada qaar qabaan iney ahayd sababta baaqashada kulankii Golaha ee shalay. Xildhibaannadaas waxaa ka mid ah Geelle. “Guddoomiyaha waxa uu ku mashquulay kulan uu laqaatay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Mursal Geelle.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa isaguna mar uu ka hadlayay sababta uu is leeyahay waa uu u baaqday kulankii shalay waxa uu Kalfadhi u sheegay in ay fiicnaan laheed in Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan, uu la wadaago Xildhibaanada waxa baajiyay kulanka, laakiin sida uu horey u sheegayba uusan isaga iyo Goluhuba ogaan arrinkaas.
Guddoonka Golaha Shacabka waxay Xildhibaannada ogeysiiyaan kullamada dhacaya iyo ajandahooda oo kaliya, laakiin marka aysan kulamo jirin looma sheego Xildhibaannada sababta, waana dhaqan ay aqbaleen inuu xaalku sidaas ahaado, sida tan dhacday shalay. Hase ahaatee, Goluhu waxa uu mararka qaar cabirtaa jawiga, oo uu ka dhex fahmo sababta baaqashada kulan ay ahayd inuu dhaco, sida baaqashadii kulamadii ay ahayd iney dhacaan 26-kii iyo 28-kii Nofeembar iyo 1-dii iyo 3-dii Diseembar, markaas oo uu khilaaf hareeyey Golaha.