Wasaaradaha Maaliyadda, Dastuurka iyo Arrimaha Gudaha ayaa shir uga billowday Muqdisho uga doodaya Federaaleynta Arrimaha Maaliyadda Soomaaliya. Arrintan, oo ay Wasaaradahani sheegayaan iney muhiimad gaar ah u leedahay Dib-u-eegista Dastuurka, ayaa lagu doonayaa in lagu gaaro in la go’aamiyo dhaqaalaha dalka ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) maamusho ama Heer Federaal loo maamulo. Shirka waxaa, sidoo kale, qeyb ka ah aqoonyahanno, gaar ahaan dhaqaalyahanno Soomaaliyeed.
Wasiirka Dastuurka Cabdi Xoosh Jabriil ayaa, sida lagu daabacay barta Wasaaraddiisa, waxa uu sheegay iney dowladda ka go’an tahay in la xusho nuuc maaliyadeed oo federaal ah. “Sidaa ogtihiin, waxaa dalka ka socda Geedi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka, waxaana naga go’an in wax walba oo quseeya Dastuurka, oo ay kamid tahay Xulushada Hannaanka Maaliyadda Federaalka, si qoto dheer looga doodo” ayuu yiri Wasiir Xoosh.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in ay Wasaaradda Dastuurka ka gacan siineyso sidii loo sii xoojin lahaa Dib-u-eegista Dastuurka, si xili dowladeedka soo socda ay Soomaaliya u ahaato mid leh Dastuur Qaranka. Reysal Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa bogaadiyey shaqada Dib-u-eegista Dastuur ee ay Wasaaradda Dastuurka u tahay hormuud. “Waxaan aqoonyahannada ka soo qeybgalay shirkan kula dardaarmayaa iney maskaxdooda tuujiyaan oo ay soo saaraan xulashooyin wax ku ool ah, oo quseeya Hannaanka Maaliyaadda Federaalka” ayuu yiri Reysal Wasaare Kuxigeenku.
Shirkan waxa uu socon doonaa saddex maalin, waxaana Madaxda DFS ee joogta iyo aqoonyahannada ku xeel dheer arrimaha dhaqaalaha ee ka qeybgaleysa laga filayaa iney dhamaadkiisa soo saaraan Hannaan Maaliyeed oo waafqsan Federaalka Soomaaliya. Dastuurka, oo ay dib-u-eegistiisu mareyso heer gabagaba ah, ayaa waxaa ka harsan in meel leysla dhigo arrimaha siyaasadeed, oo ay ka mid tahay isku waafaqidda qeybsiga kheyraadka dalka, waxaana sal u ah Federaaleynta Hanaanka Maaliyadda Soomaaliya.