Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal, ayaa maanta shir-guddoominayay kulanka golaha Baarlamaanka ee dowlad-gobolleedka Galmudug.
Kulanka oo ahaa Kalfadhiga 2-aad ee kulankiisa 13-aad ayaa ajndihiisa waxaa uu kala ahaa ansixinta Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Booliska Galmudug iyo akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyeedka Golaha Deegaanka Dawladaha Hoose.
Xildhibaannada ayaa doodo dheer kaddib waxaa ay ansixiyeen sharciga dhismaha booliska Galmudug.
Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo sharcigan Baarlamaanka horgeeyay isbuuc ka hor ayaa Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug uga mahad celiyay ansixinta Sharcigaan, waxaana caddeeyay in sharcigan uu muhiim u yahay amniga Galmudug.
Wasiirka ayaa sheegay in dad badan ay maamulka ugu hambalyeyeen sharciga, kaas oo Galmudug ka dhigaya mid adag.