Guddigga-wadajirka ah ee labada aqal ee diyaarinta Xeerarka Dhammaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka ayaa shalay kulan la yeeshay safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-wareysi ah oo ku saabsan dhammaystirka xeerarka Sharciga Doorashooyinka Qaranka.
Safiirka ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mudane: Ben Fander, ayaa sheegay in guddiga ay hayaan shaqo muhiim ah oo ku saabsan Dastuurka.
Kulanka waxaa hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga mudane Xil. Ibraahim Isaaq Yarow. Dhinaca kale safiirka dalka Baqortooyada ingiriiska ayaa ballanqaaday in ay lagarab taaganyihiin Guddiga taageero dhankooda ah.
Guddi-Wadajirka ah ee labada aqal ee Diyaarinta Xeerarka Dhammaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka, ayaa wali wadda kullamada ku saabsan dhammeystirka Dastuurka.