Safiirkii hore ee Soomaaliya u joogay xarunta Midowga Yurub, Amb Ali Saciid Fiqi, ayaa maanta loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koonfur-Galbeed.
Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, oo maanta lagu qabtay doorashada ayaa waxaa soo xaadirtay 93 mudane, kuwaas oo codkooda dhiibtay.
Laba musharax, ayaa ugu cadcadaa doorashada. Labada musharax ayaa waxaa ay codadka u kala heleen 84 Cod waxaa helay Dr Cali Saciid Fiqi oo noqdey Guddoomiyaha Baarlamaanka halka 2 Cod uu helay musharixii la tartamayay ee Maxamed Cabdiraxmaan,waxaana halaabey 8 Cod.
Guddoomiyaha Guddiga doorashada Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqey in xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed uu ku guuleystay xildhibaan Cali Saciid Fiqi.
Halkan kala soco doorashada lagu dooran doono, ku-xageennada.