Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen, oo ay wehliyaan labada gole ee maamulka ayaa shalay magaalada Baydhabo kusoo dhoweeyay wafdi uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Barlamanka Federaalka Soomaaliya.
Socdaalka wafdiga ayaa ah ka qeyb-galka munaasabada sannad-guurada labaad ee madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur-Galbeed oo ku beegan 19/12/2020.
Guddoomiye Mursal, ayaa dhinaca kale kulamo la qaadan doona guddoonka Baarlamaanka ee maamulka iyo ururrada bulshada ee Koonfur-Galbeed.