Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Khamiis ah cafis u fidiyay 148 maxaabiis ah oo loo heysta inay galeen dambiyo fudud.
Waxaa sii deynta maxaabiista looga golleeyahay ka hortaggida cudurka Coronavirus gudaha xabsiyada dalkaas.
“Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray Taliska Asluubta Soomaaliyeed oo kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka in ay dadaal mug weyn geliyaan badqabka caafimaad ee maxaabiista ku jira xabsiyada dalka, si looga hortago halista caafimaad oo ay u nugul yihiin” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.
Waxay arrintani imaaneysaa xilli dhawaan dowladda Soomaaliya ay xaqiijisay 3 qof oo uu ku dhacay cudurka Corona.
Somaliland waxay shaley ku dhawaaqday in xabsiyada laga sii deyn doono 574 maxaabiis oo u xiran dambiyada fudud.