Xirnaanshaha sanadaha badan ee waddooyinka dhagaxyada waaweyn lagu gooyay iyo kuwa la isku-socodka dadka loo diido xilliyada cayiman waxay walaac ku haysaa dadka deggan magaalada Muqdisho.
Mar kasta oo aad tagto goob ka caagan marista gaadiidka, waxaad ogaaneysaa inay tahay marxaladda ugu fiican intii lagu guda jiray geeddi-socodkii adkaa ee magaaladani soo martay.
Markii uu dhamaaday qadkii cagaarnaa ee caasimadda Muqdisho u kala dhambali jiray xero hoggaamiye kooxeed uu ka taliyo dhowr iyo toban sano ka hor, xirista waddooyinka qaar iyo mamnuucista socodka dadweynaha waxay ahayd mid si aan laga fursan karin ay ula kowsatay dowladdii ugu horreysay oo lagu soo dhiso dalka Kenya.
Dowladdii AUN Abdullahi Yuusuf Axmed ay si rasmi ah u sal-dhigatay caasimadda Muqdisho, wararka ugu waaweyn ee waagaas warbaahinta loogu dhageysiga badnaa waa in waddooyinku xiran yihiin iyo in kale.
Waagii ku dilaaca jidadka oo furan, way adkeyd in gabbalku ugu dhaco iyada oo aan saacado ka mid ah maalintaas waddooyinka la xirin. Mararka qaar, marista laamiyada waxay ahayd halis muuqata. Jidad badan ayaa cabsida laga qabo qaadistooda awgeed, waxaa qofkii ku dhiirrada la dhihi jiray samir iyo iimaan.
Kolkii ay dowladdu si buuxda ula wareegtay gacan-ku-heynta caasimadda Muqdisho kaddib dagaallo looga cararay inta badan magaalada, wax u muuqda inay yihiin farriin iyo tusaaleyaal ay iska dhaxlaan xukuumadaha isaga dambeynaya talada iyo maamulka dalka waa xirista waddooyinka.
Labadii dowladood ee xilka kaga horreeyey dowladda hadda jirta waxay lahaayeen sifada ah xirista waddooyinka, iyada oo aan muwaadiniinta loo sameynin ogeysiin ama aan loo sahlin hab fudud oo ay ku gaari karaan danahooda – isla markaana la hubsanayo inaysan waxba u dhimeynin awaamiirta ay dowladdu soo saartay.
Maanta oo dowladnimadeennu ka soo gudubtay marxaladdii ku-meel-gaarka ahayd, dhaqankani weli waa sidiisii. Kuma eka mid maalin la isaga fariistay si wax la iskaga weydiiyo cawaaqibka ay ku hayso bulshada caasimadda. Sida indhahaagu maanta u qabanayaan waddo aan loo oggoleyn gaadiid rayid ah – oo kuwa ciidamada iyo mas’uuliyiinta dowladda oo qura loo oggol yahay inay maraan – waa meertadii shalay balse ay xukuumaddu ka soo qaadatay middii ka horreysay.
Lama saadaalin karo haddii dhaqanka xirista waddooyinka xilliyada qaar uu sidaan ku sii socon doono iyo in kale. Su’aalaha is-weydiinta mudan ayaa se ah sababta aan xal loogu heli karin caqabadda dadka kala duwan saameysa ee loogu sheego in waddo xiran tahay – cadceedda ugu wirwira masaafada si ay u gaaraan hadafkooda!
Mar walba oo aan ka hadleyno xirnaanshaha waddooyinka, kuma saabsana sugista amniga iyo nabadsugidda qaranka. Waxay goor walba la xiriirtaa waxa ku dhacaya dadweynaha ka badan dowladda ay ku hoos nool yihiin. Qiyaas danleyda kala duwan ee ku jira dadka sida ardayda, waayeelka, bukaan socodka iyo dhibanaha laga yaabo inuu u baahan yahay gargaarka degdegga ah kuwaas oo haddii aysan helin marin ay ku fushadaan baahidooda wax badan oo qaali ah ay uga lumi karaan sida in qof uu u dhiman karo gurmad la’aan.
Hase yeeshe, ma ahan dowladda dhexe oo kaliya midda looga baahnaa inay baraarug u yeelato dhibta iyo rafaadka gaaraya muwaadiniinta. Bahda saxaafaddana waxay u bateen inay codbaahiyaha ka sheegaan wararka ku saabsan in waddooyinku ay xiran yihiin. Halkii ay ahayd in warbaahintu ay banaanka soo dhigto waxa ku dhici kara guud ahaan bulshada kolka ay jidadku ka xirmaan, nasiib-darro waxay qodobada warkooda ku gabagabeeyaan ma ahan markii ugu horreysay oo ay xirmaan waddooyinka qaar ee magaalada.
In dowladdu ay mar walba raali-gelin ka bixiso xirnaanshaha waddooyinka, bulshadana u sheegto sida ay uga xun tahay inay hakad gelinayso isku socodkooda, waa farriimaha saameynta leh oo muwaadiniinta ku beeri kara inay dareemaan inay qiimo ugu fadhiyaan dowladdooda. Waa samafalka ugu hooseeya oo lagu xoojin karo xiriirka dadka iyo dowladda. Waxay sidoo kale muwaadinka ku beeraysaa lahaansho. Waayo qofka ku soo talagalay inuu gaadiid u soo raaco danihiisa ee lagu yiri lugtaada maal, haddii aan loo muujin inuusan sidaas mudneyn, waxay dhaawacaysaa qalbigiisa.
Waxaa jirta halheys dadka Denmark ay ku sifeeyaan dalkooda oo ay ku leeyihiin; Waddankani waa meesha lagu ilaaliyo karaamadayda, waxaana ku dhex sugan noloshayda. Laakiin raali-gelintu mararka qaar kuma eka ereyo dabacsan iyo hadallo naxariis leh. Waxay u baahan kartaa ficilka ugu qaalisan si heerka ugu sarreysa qanacsanaanta qofka muwaadinka ah loogu hantiyo.
Waa baahi kale oo muhiimad ballaaran ugu fadhisa dadka Muqdisho. Sida aragtida guud ee dadka caasimadda ku nool u badatayna, way fiicnaan laheyd in dowladdu la timaado xal lagu dhinac wado waqtiyada ay xiran yihiin waddooyinka halbowlaha u ah magaalada.
Tusaale; in dowladdu keento gaadiid basas waaweyn ah oo la dhigo 52 is-goys ee magaalada Muqdisho ay ka kooban tahay, kuwaas oo caasimadda isku dhinac dhaafa – iyaga oo sida rakaabka rayidka ah ee jidadku ka xiran yihiin. Waxay dadka u sahleysaa inay dhib yari u soo gaaraan danahooda. Xitaa adeegyada basaskani ha noqdaan kuwo lacag lagu raaco. Muhiimaddu waa inay helaan gaadiid ay u soo raacaan baahidooda.
Haddii tusaalahan iyo kuwa la midka ah ay dowladdu fiiro gaar ah u yeelato hir-gelintooda, waxay noqoneysaa tallaabo labo goor wanaagsan oo dowladda iyo dadweynuhu ay wada faa’iidaan. Waayo dowladda hoose waxaa u soo xeroonaya dakhli ku-meel-gaar ah, dadkuna waqtiyadaas kooban oo jidadku ka xiran yihiin kama warwarayaan haddii ciidamo la soo dhoobo waddooyinka iyo in kale.
Haddiise sugista amniga qaranka ay dhib ku mutaan muwaadiniinta, dowladdeennu kuma taagnaan hadafkii uu Thomas Jefferson, oo ka mid ahaa aabbeyaashii helay dalnimada Maraykanka ku tilmaamay inuu yahay kan ugu weyn dowladnimada oo ah: in loo raaxeeyo muwaadiniinta iyo in lagu saacido sidii ay liibaan iyo warwar la’aan farxadi ku jirto ugu noolaan lahaayeen.